Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay xalay degaanka Tukaraq, iyadoo ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada isku hor fadhiya ee Somaliland iyo Puntland.
Iska hor imaadka xalay ayaa ahaa mid kooban oo la sheegay inuu dhex maray laba ciidan oo sahan ahaa, iyadoo aan la soo werin wax qasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaasi, waxaan saaka degan goobaha ay isku hor fadhiyaan labada ciidan oo dagaallo qaraar ah dhowaanahan dhex marayeen.
Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Hargsysa ayaa sheegay inay socdaal waanwaan xoog leh oo ay laga dhex wado Somaliland iyo Puntland oo ay hormuudka yihiin wakiilada Beesha caalamka iyo Q/Midoobay.
Xubno ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay maanta tegayaan degaanka Tukaraq ee ay ku dagaalamayaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, waxaan sidoo kale ku sii jeeda degaanka Tukaraq mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.