Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mida Taliyaasha Saldhigyada Booliska G/Banaadir iyadoo taliyeyaal cusub la soo kordhiyay qar kalena la kala bedelay.
Taliyeyaasha la magacabay iyo saldhigyada loo magacabay waxaa ka mida: Saldhigga Booliska degmada Waaberi oo loo magacabay Gaashanle Xabad, Saldhigga Booliska Degmada Shingaani oo loo magacaabay Dhamme Raxma Salaad, Saldhigga Booliska Degmada Shibis oo isna loo magacaabay G/Dhexe Macalin Daahir.
Waxaa kaloo la magacaabay Saldhigga Booliska degmada Boonddheere oo loo magacaabay Dhamme Saciid oo hore u ahaa Taliyaha saldhigga Booliska degmada Shingaani, waxaa Gaashaanlle Canjeex loo magacabay taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaaraan, waxaa isna taliyaha Saldhigga Booliska degmada Xamarjabjab loo magacabay Gaashanle Jimcaale, halka Dhamme Axmed Cabdullahi Baashane loo magacabay Taliyaha saldhigga Booliska degmada C/casiis.