Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleemo-saarayaa xilka madaxweynaha dalkaasi oo uu hayay tan iyo sanadkii 1999.
Wuxuu ku guuleystay doorasho aan si weyn loogu tartamin oo bishii hore ka dhacay dalkaas, wuuxuna helay codad gaaraya 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, iyadoo uu kaliya la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo ahaa nin aan la aqoon.
Xafladda caleemo saarka Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa kaqeyb galaya madax ka socota dalalka deriska la ah Jabuuti, waxaana ka mida: Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya Abiy Ahmed, Ra’iisal wasaaraha Burundi Edouard Ngirente, Madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakistan, Turkey, Sucuudiga, iyo France.
Ismaaciil Geelle oo 73-jir ah xukunka kala wareegay adeerkiis Xasan Guuleed Abtidoon, isagoo talada dalka Jabuuti la wareegay sanadkii 1999.
