Dowlada Itoobiya ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhex oogan dalalka Khaliijka.
Itoobiya ayaa sheegtay inay ka xun tahay xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Khaliijka Carbeed, isla markaana ay ku baaqday in xal wadahadal loo maro lagu dhammeeyo is mari waagga.
La-taliyaha Boqorka Sacuudiga Ahmed Al-khadiib ayaa dhowaan booqday magaalada Adis ababa kadib markii uu yimid Muqdisho, isagoo la kulmay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo u caddeysay Mowqifkeeda.
Dhinaca kale waxaa maanta magaalada Adis isna booqday wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Qatar Sultan Bin Saad-Al Murakhi oo shalay iyo xalay ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn u caddeeyay mowqifka Itoobiya ee ah in qaab nabadeed lagu xaliyo xiisadda dalalka Khaliijka.
Goobjooge