Friday, April 19, 2024

Itoobiya oo ciidamo badan geysay xuduudka Sudan iyo Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhex Qarxo

Dowladda Suudan ayaa ku eedeysay Itoobiya inay ciidamo fara badan geysay Xuduudka Sudan ayna xaaladda uga sii dartay.

Kadib kulan degdeg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka Dalka Suudaan Ge. Ibrahim Yasin ayuu sheegay wasiirka Gaashaandhiga Sudan in Itoobiya ay xiisad ka abuurtay xuduudka markii ay ciidamo xoog leh geysay, wuxuuna caddeeyay in ciidamada Sudan ay ku sugan yihiin xuduudda dalkooda, kun sii sugnaan doonaan.

Wasiirka Gaashaandhgga Sudan ayaa ugu baaqay Itoobiya inay ka baxaan degaanada ay weli ka heystaan Bariga dalka Suudaan.

Ad

Howgal ay ciidamada Sudan ku qaadeen Gobolka Bariga dalkaasi ayey ku sheegeen inay dib ula wareegeen degaano muddo 20 sano ah ay ka heysteen maleeshiyo Itoobiyana ah; laakiin Itoobiya ayaa ku eedeysay Sudan inay ciidamadeeda qabsadeen saldhigyo milateri iyo degaano ku yaalla gudaha Itoobiya leedahay.

Dalalka Sudan iyo Itoobiya ayaa hawada isu mariyey eedeyn kulul, iyadoo ay kasii dareyso xiisad u dhaxeya labada dal ee isku haya dhulka ku yaalla xuduudka dheer ee u dhaxeeya, labada dal, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhexmaro labada dal.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON