Friday, June 27, 2025

Itoobiya oo ciidamo Gaara u tababartay maamulka Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya

Dowlada Itoobiya ayaa ciidamo gaara u tababartay maamulka Jubaland ee Soomaaliya, iyagoo tababarka loogu soo gabagabeeyyay magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo gaaraya 150 askari ayaa la  sheegay inay hoos tagayaan ciidamada dowladda, basle ay ka mid noqonaya Ciidamada maamulka Jubba ee Axmed Madoobe. Tababarkan uu  socday muddo 15 maalmood ah, waxaana askartan la baray toogashada shiishka sare iyo adeegsiga hubka culus.

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya Jen. Ismaaciil Saxardiid oo munaasibadda tababarka ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadaas la baray sida loo toogto waxa uu ku sheegay caddowga isla markaana ay tababarka bixiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Jubaland.

Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 43aad Cismaan Axmed Aadan, ayaa isna sheegay in tababarkan uu Ciidamada dowladda ka saacidayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamadan waxaa ay ka mid noqonayaan kuwa dowladda Federaalka ah ee qeybta 43aad ee Gobolka Jubada hoose,iyada oo tababarrada noocan ah ay sii soconayaan sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON