Tuesday, July 15, 2025

Itoobiya oo ka hor timid Qorshaha Ciidamada AMISOM uga baxayaan Somalia & Hal Qodob oo ay ku xirtay [Akhriso]

Dowladda Itoobiya ayaa ka hor timid qorshaha la diyaarinayo ee ku saabsan in ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya looga saaro.

Itoobiya ayaa ku doodeysa inaysan AMISOM ka bixi karin Soomaaliya, iyadoo aan laga adkaan kooxda argagixisada Alshabaab. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem ayaa sheegay in dowladda Itoobiya mowqifkeedu yahay in ciidamada AMISOM ay sii joogaan Soomaaliya inta laga wiiqayo awoodda Alshabaab.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem ayaa ku adkeysatay in Al-shabaab ay weli halis ku tahay  Soomaaliya iyo dalalka Gobolka, isla markaana ay ciidameeda sii joogi doonaan inta laga xaqiijinayo inaysan halis ahayn.

Qorshaha Midowga Afrika ee ah in xiriir ah ciidamada AMISOM looga saaro Soomaaliya ayaa waxaa si toos ah hadda uga hor yimid mid ka mida dalalka ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya oo ah Itoobiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON