Sunday, June 22, 2025

Itoobiya oo ku eedeysay Masar fashilka ku yimid wadahadalkii Qeybsiga Biyaha Nile & Xiisad ka dhex kacday

Itoobiya ayaa ku eedeysay Masar inay mas’uul ka ahayd fashilkii ku yimid wadahadalkii saddex Geesoodka ahaa ee arrinta webiga Niel iyo biyo xireenka Itoobiya ee Nahda.

Wadahadalka oo u dhaxeeyay dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar wuxuu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Meles Alem in Masar ay soo jeedisay in lagu dhaqmo heshiiskii Biyaa webiga Niil ee sanadkii 1959-kii, kaasoo aysan qeyb ka ahayn Itoobiya, kuna gacan seyrtay.

Mas’uuliyadda fashilka wadahadalka saddex geesoodka ayaa ayay Itoobiya iyo Suudaan dusha u saareen Masar oo iyaduna iska fogeysay eedeyntaasi. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Masar Axmed Abu Zeyd ayaa ku gacan geysray eedeynta Itoobiya.

Ad

Afhayeenka wuxuu sheegay in Masar ay dadaal badan u gashay sidii xal dhexe loogu heli lahaa arrinta biyaha webiga Nile.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON