Dowladda Itoobiya ayaa wada tallaabadii ugu horeysay ee ay ku dooneyso inay culeys ku saarto dowladda cusub ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qorshahan ayaa la sheegay in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxeyso qaar ka mida Gobollada Dalka, siiba goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada aan hoos imaanin AMISOM.
Ceelbuur oo ah magaalada uu kasoo jeedo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ah magaalada ugu horeysa ee ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya, waxaana wararka laga helayo magaaladaasi ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ku saabsan inay halkaasi ka baxaan.
Itoobiya oo taageersaneyd dib u doorashada Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa hadda fulineysa qorshe ay ciidamadeeda ugala baxeyso gobollada Galgaduud, Hiiraan, Gedo iyo Bakool.
Qorshahan oo bilowday horaantii sanadka 2016 ayaa la hakiyay kadib markii uu madaxweynihii hore Xasan Sheekh tegay magaalada Adis ababa kana dalbaday hogaamiyeyaasha Itoobiya inay dib u dhigaan qorshahan, taasoo uu ku guuleystay.
Ceelbuur ayaa ah aagga ugu horeeya ee Alshabaab ka horjeeda oo muddo dheer ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya iyo ciidamo la socda oo ka tirsan kuwa milateriga dowladda, waxayna ka bixitaankooda noqon doontaa dhabarjab ku yimaada dowladda cusub, iyadoo Alshbaab ay dib ula wareegi doonto.
Goobjooge.com