Monday, July 14, 2025

Itoobiya oo xaqiijisay inay Dowladda Soomaaliya u gacan gelisay C/kariin Qalbidhagax [Akhriso]

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrinta sarkaalka ONLF ee dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ku soo wareejisay dowladda Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo Itoobiya ay u heysto denbiyo kala duwan.

Wasiirka oo la hadlay laanta Af-amxaariga ee VOA ayaa sheegay in ay dowladda u gacan gelisay sarkaalkan.

Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho
Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho

Itoobiya ayaa sarkaalkan ky tilmaantay inuu yahay madaxa koox argagixiso ah oo dembiyo badan ka galay Itoobiya iyadoo uu mudan doono xukun culus. Halka dhinaca kale uu yahay wadani u dagaalamay xoriyadda dadkiisa, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamada Soomaaliya ee ka qeybgalay dagaalkii 1977 ee xoreynta Ogaden.

Arrintan sarkaalkan oo xaalad ka abuurtay Soomaaliya ayaa waxaa hore uga hadlay ururka ONLF oo dowlada Soomaaliya ku eedeeyay inay dhoofisay muwaadin Soomaali ah, iyadoo dowladda Soomaaliya oo xaqiijiyay dhiibitaankiisa ay diiday inay wax faahfaahin ka bixiso xasaasiga kiiskan awgiis.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON