Tuesday, July 1, 2025

Jabhadda Tigray oo ku dhawaaqday inay degdeg uga baxeyso Gobollada Amxaaradda iyo Canfarta


Ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira dowladda dhexe ayaa isaga baxaysa gobollada waqooyi ee deriska la ah, taas oo ah tallaabo loo qaaday dhinaca xabbad joojiin suurtagal ah dagaalka culus ee socday 13-ka bilood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada Tigreega maanta oo Isniin ah.


“Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna geesinimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doono bilowga nabadda,” ayuu qoray Debretsion Gebremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray oo qirtay inay ciidamadooda la baxeen.

Warqad uu u diray Qaramada Midoobay waxa uu Gebremichael, ku baaqay in la sameeyo aag ka caaggan duulimaadyada diyaaradaha dagaalka ee Tigraay, isla markaana la saaro cunaqabataynta hubka Itoobiya iyo xulafadeeda Eritereeya, lana sameeyo hab lagu xaqiijiyo in xoogagga hubaysan ee aan Itoobiyaanka aheyn ay ka baxeen gobolkooda.

Dagaalka ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada Afrika ayaa waxa uu khalkhal galiyay gobolka geeska Africa oo markii horeba taag darnaa, iyada oo 60,000 oo qaxoonti ah galeen dalka Sudan, sidoo kalena sababay in ciidamada Ethiopia laga soo saaray dalka Soomaaliya oo ay dagaaladu ragaadiyeen iyo iyo inay colaadda kusoo silbadaan ciidamada waddanka deriska ah ee Eritrea.

Debretsion wuxuu sheegay inuu rajaynayo ka bixitaanka Tigrayga, ee gobollada Canfarta iyo Amxaarada, ay ku qasbi doonto beesha caalamka inay xaqiijiso in cunnada gargaarka ah ay soo gasho Tigrayga.

Qaramada Midoobay ayaa horay ugu eedeysay dowladda in ay waddo go’doomin dhab ah – eedeymahaas oo ay dowladdu beenisay.

“Waxaan rajaynaynaa in marka aan ka baxno, beesha caalamku ay wax ka qaban doonto xaaladda Tigrayga maadaama aysan hadda ka dib marmarsiinyo ka dhigan karin in ciidamadeenu ay duulaan ku yihiin Amxaarada iyo Canfarta,” ayuu afhayeenka TPLF Getachew Reda oo la hadlay Wakaaladda Wararka Reuters.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON