Monday, June 23, 2025

Jabhadda Tigray oo qabsatay magaalo Taariikhi ah oo ka tirsan Maamulka Amxaarada ee Itoobiya

Ciidamad Jabhadda Tigray ee Itoobiya ayaa la qabsaday magaalada Lalibela ee taariikhiga ah, kana tirsan is-maamulka Amxaarada.

Magaaladan oo caan ku ah hagaxa laga qodo, loona aqoonsaday oo loo calaamadeeyay Goobta Dhaxalka Adduunka sida Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey diiwaangelisay, waxaana Ciidamada Tigray ay la wareegan galabnimadii Khamiista, sida laga so xigtay dad goobjoogayaal ah.

magaalada Lalibela waxaa sidoo kale barakeysta Masiixiyiinta Ortodoksiga ah ee dalka Itoobiya, waxay ku taal Aagga Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya. Toddobaadyadii la soo dhaafay dagaalku wuxuu kasoo tallaabay Gobolka Tigray, wuxuuna ku sii fiday laba gobol ee Amxaarada iyo Canfarta, taasoo qasabtay in ku dhawaad 250,000 oo qof ay qaxaan.

Ad

Askarta iyo dagaalyahannada maleeshiyaadka ayaa si aad ah isugu abaabulay qaybo ka mida Amxaarada si ay uga hortagaan hormarka jabhadda, laakiin dad badan oo deggan Lalibela ayaa sheegay in magaaladu ay jabhadda Tigray qabsadeen dagaal la’aan.

“Waxay yimaadeen galabtii, mana jirin wax dagaal ah. Ma jirin wax ciidan amni ah oo agagaarka joogay. Ciidamada TPLF ayaa hadda ku sugan magaalada, ”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON