Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu jaha-wareer hareeyay xafladii furitaanka kalfadhiga Shanaad ee Aqalka Sare oo lagu wado inay maanta dhacdo.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayey inuu kalfadhiga furo ayaa ka baaqsaday xafladda, waxaase la sheegay inuu halkaasi gaaray Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo kaalintiisa furitaanka kalfadhiga muran ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya in arrinta la isku mari waayey ay tahay nidaamka xafladda markii Ra’iisal wasaare Kheyre oo wakiil ka ah madaxweynaha uu sheegay inuu furayo Aqalka Sare, taasoo keentay inuu wadahadal muddo qaatay ay galaan Ra’iisal wasaaraha iyo Guddoonka Aqalka sare.
Ra’iisal wasaaraha ayaan sharci ahaan lahayn awood uu ku furo kalfadhiyada labada aqal ee Baarlamaanka, taasoo ah shaqo dastuuri ah oo madaxweynaha leeyahay, waxaana la ogyahay in labada aqal muranka ka dhaxeeya uu xalin waayey madaxweyne Farmaajo.
Dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka Kalfadhiga shanaad ee Aqalka Sare, iyadoo weriyeyaasha ku sugan xarunta ay sheegayaan in laga war sugayo guddoonka Aqalka sare, iyadoo wararku sheegayaan inuu kalfadhiga furi doono Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo wakiil ka ah madaxweyne oo Muqdisho ku sugan.