Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo xalay ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Nairobi, kaasoo ay soo agaasimeen Jaaliyadda Deegaanada Galmudug ee ku nool Magaalada Nairobi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal dhowaan kasoo yeeray madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku saabsnaa in madaxweyne Xaaf uu diiday Dawada Galmudug.
Jawaabtii Madaxweyne Xaaf ayaa waxa ka mid ahayd in Madaxweyne Farmaajo markii ay weydiisteen hub ay kula dagaalamaan uu ku yiri: “Ma waxaad dooneysaa inaad Caabudwaaq ku duushaan..?!”, arrintaas oo hadda isu bedeshay kiis dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xaaf, iyadoo waxgarad kasoo jeeda Beesha Caabudwaaq ay ka dalbadeen raaligelin.
Qaar ka mida xubnaha ka horjeeda Madaxweyne Xaaf oo fadhigoodu yahay magaalada Cadaado ayaa ku cambaareeyay Xaaf inuu yahay oday qabyaalad heshay oo aan isku wadi karin maamulka Galmudug oo beelo badan ay ku midoobeen, waxaana arrintan ay u muuqataa mid dib ugu soo laabatay Xaaf.
Loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo muddo soo jiitamayey ayaa hadda u muuqda mid faraha ka baxay.