Tuesday, July 1, 2025

Jen. Biixi oo heshiisiiyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Hoggaamyaha Jabhadda Jen. Xuud

Taliyaha ciidamada Dhulka ee xoogga Dalka Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, isagoo heshiis isugu keenay Guddoomoyaha Gobolka Hiiraan iyo Jenreaal Abuukar Xuud oo hoggaamiya maleeshiyo ku kacsan maamulka Hishabelle.

Gen. Abuukar Xuud ayaa sheegay inuu soo dhoweeyay Taliyaha ciidamada dhulka, isla markaana ay diyaar u yihiin nabadda iyo inay xaqooda ku doontaan sidii la isla garto.

“Cali Jayte, Aniga Abti ayaan u ahay shalay wuu ila dagaalamaayay, balse Maanta waan wada joognaa ee dadka kale yaysan qaldoomin, dadow ogaada in la dagaalami karo oo la heshiin karo. Jen. Biixi wuxu uu yimid xaq naga maqan oon baadigoob u nahay” ayuu yiri Abuukar Xuud oo sheega in xaqa ka maqan ay keenayaan, cidda mudana aya u dhiibayaan.

Jen. Biixi ayaa isna sheegay in Gobolka Hiiraan oo colaad badan ay ragaadisay in hadda nabad la wada qaatay, wixii hadda ka danbeeyana laga shaqeyn doono sidii la isaga kaashan lahaa nabadda.

Taliyaha dhulka ayaa sidoo kale caddeeay in xaqa maqan ee dadka Hiiraan loo raadinayo waddo sahlan oo nabad ah, wuxuuna ugu baaqay in dadka Hiiraan ay nabadda u timid ay taageeran, ee ay kaliya caddow u arkaan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON