Wednesday, June 25, 2025

Jen. Morgan oo siyaasadda ku soo laabanaya. [Akhri xil laga siiyay Baarlamanaka cusub ee Somalia]

Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan) oo ah sarkaal ciidan oo muran badan ka taagan yahay doorkiisii dowladii milateriga iyo jabhadihii dalka ka kacay ayaa dib ugu soo laabanaya siyaasadda.

Jeneraalka oo muddooyinkan danbe ku sugnaa degaanada Puntland ayaa qalqaalo u galay  sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka soo socda ee Soomaaliya iyadoo taasi taageero uga helay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

morgan-galkacyo1
Jen. Morgan oo Gaalkacyo ku soo dhoweynaya Wafdiga C/weli Gaas

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Jeneraal  Maxamed Siciid Xersi (Moorgan) uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jen. Moorgan ayaa kaalintiisii ciidamadii dowladii milateriga ahayd lagu eedeeyaa inuu tacadiyo ka geystay degaanada Waqooyi Galbeed ee Somaliland, waxaana xigay inuu hogaamiye ka ahaa jabhad qabsatay degaanada Jubbooyinka bartamihii sagaashameeyadii.

Dib ugu soo laabashada siyaasadda Soomaaliya ee Jen. Morgan ayaa noqon doonta weji cusub oo uu yeelan doono aqalka sare ee Baarlamaanka oo dadka lagu qoray ilaa iminka ay yihiin saraakiil iyo siyaasiyiin hore.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON