Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax Gaari oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari uu watay jeneraal ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa nooca lagu dhejiyo baabuurta ayaa Gaarigiisa loogu xiray Jeneraal ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Maxamed Dhoore, kaasoo gaariga qabsaday xilli uu ku sugnaa kaalin shidaal oo ku dhow Dekadda Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan inuu dhaawac culus kasoo gaaray Jeneraalka.
Alshabaab ayaa inta badan sheegtaya qaraxyada lala beegsadao Gaadiidka ay wataan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowlada oo lagu khaarijiyey dad fara badan.