Thursday, June 26, 2025

Jeneraal uu xilka ka qaaday Madaxweyne Farmaajo oo Dirqi uga badbaaday Qarax Miino

Sarkaal uu xilka ka qaaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Je. Maxamed Cali Bariise oo hore u ahaa Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Xoogga Dalka, xilkana laga qaaday febraayo 2020, ayaa ka badbaaday qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, degmada Hodon, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ka mida ilaaladiisa.

Gaariga uu la socday Taliye ku-xigeenkii hore ee Xoogga dalka Jen. Bariise ayaa ahaa kuwa aanay xabbada karin, waxaana laga soo xigtay inuu si nasiib ah uga badbaaday qaraxa oo gaarigiisa waxyeelo gaarsiiyay, isla markaana ay ku dhinteen dad shacab ah, iyo dhaawacyo fudud soo gaaray laba ka mida ilaaladiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON