Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Cali Bariise, kadib muddo 5 bilood kaliya ah oo uu xilkaasi hayey.
Qoraal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu shaaciyey in xXil ka qaadistan ay dhaqan gashay maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-ka Febraayo 2020, ayna timid kaddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa bishii Oktoobar ee 2019 xilkan u magacaabay taliye ku xigeenka uu maanta xilka ka qaaday, waxaana joogto noqotay in talisyada ciidamada si joogto ah xilalka looga qaado.
HOOS KA AKHRISO MAGACAABISTII HORE