Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidamadaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidamada Lugta.
Madaxweynaha ayaa Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise u magacaabay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, wuxuu kaloo Taliyaha Ciidamada Lugta ee Ciidamada Milatariga u magacaabay Sareeyye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxaana labada sarkaal ee la magacaabay ay yihiin dhalinyaro loo dhiibay hoggaanka sare ee ciidamada dalka..
Madaxweyne Farmaajo ayaa darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise inta uu xilka Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u magacaabin, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha ayaa Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka xoogga dalka ee cusub aee la magacaabay ayaa ah Nin dhalinyaro ah aqoonyahan ah, waxaa lagu sheegay karti, isagoo tababar ku soo qaatay dalal uu Mareykanka ka mid yahay, iyadoo magacaabidiisa ay soo afjaryeso dhameystirka hoggaanka Ciidanka xoogga dalka, iyadoo Madaxweyneha uu bishii Agosto Taliyaha Ciidanka xoogga dalka u magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge.

