Madaxweyne Farmaajo oo Goor dhoweyd ka degay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kana qeyb galaya..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faramaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya,

Madaxweynaha waxaa Garoonka caalamiga ah ee Bole ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, wuxuuna socdaalkan la xiriraa ka qeyb galka shir Madaxeedka dalalka IGAD oo ka furmaya Addis ababa, iyadoo madaxda dalalka IGAD ay ku qulqulayaan magaalada Addis ababa si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka IGAD.

Ad

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay la wareegto guddoomiyenimada urur goboleedka IGAD iyadoo madaxweynaha Kenya uu noqon doono guddoomiyaha ururka IGAD ee snaadka soo socda, waxaana xilkaasi hore u hayey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Waxaa kaloo magaalada Addis ababa tegay madaxweynayaasha Kenya, South Sudan, Ra’iisal wasaaraha Sudan iyo madax kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,388FansLike
1,304FollowersFollow
3,463FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!