Monday, June 23, 2025

Jeneraal Yuusuf Indha-cadde oo shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan Kursi Xildhibaan.

Jeneral Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ku dhawaqay in uu yahay Musharax u taagan kursi ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusay musharaxnimada Yuusuf Indha-cadde, iyadoo lagu taageeray inuu xilkaas isu soo taago, isla markaana uu mudan yahay in loo doorto xildhibaan Federaal ah.

Jeneraal Yuusuf Indha-cadde ayaa u taagan kursiga tirsigiisu yahay HOP138 oo uu hadda ku fdhiyey Ganacsade Siciid Nuur Giriirsh, waxaana hore loo sheegay in ka siinayo musharax C/raxmaan C/shakuur.

Ad

“Kursiga u dooni maayo inaan wax ka tacbado, ama dad ku dulmiyo ee waxaan u doonayaa inaan diinta, dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya wax ugu qabto…” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde oo beesha leh kursiga ka codsaday inay kursigaasi siiayaan.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Midowga Mushariixinta ay ku baaqeen in la joojiyo doorashada Golaha Shacabka, ayna abaabulayaan shirweyne, iyadoo Indha-cadde ka mid ahaa saraariishii ciidamada Badbaado Qaran.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON