Sunday, June 22, 2025

Jeneraalo caan ah oo ‘Qoonde Haween’ looga reebay Kuraastii ay isu sharxeen ee Golaha Shacabka

Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey kuraastii ugu danbeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, taasoo keentay inay kuraastoodii wayeen laba ka mida sarakiisha ciidamada.

Guddiga SEIT ee Galmudug ayaa soo saaray Guddiga Xulista ergada kuraasta kala ah: HOP018, HOP021 iyo HOP020 oo doorashadooda la qaban doono Maalinta Berri oo ku beegan tahay 15 Maarso 2022.

1- Kursiga HOP018: Waxaa hore ugu fadhiyey xildhibaan Qaasim Maxamed Jaamac oo la dhashay Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir  Goobe), kaasoo uu hore ugu wareejiyey, haddana uu doonayey inuu mar kale kusoo laabto, laakiin waxaa loo bedelay Qoonde Haween, si meesha looga saaro, Bashiir Goobe ayaa muddo dheer kursigan heystay oo qoyskiisa ku dhex wareejinayey, weli aysan waxba iska bedelin.

Ad

2- Kursiga HOP020: Waxaa hore ug oo uu ku fadhiyay Cali Axmed Shariif Cusmaan, balse loo bedelay Qoondo Haween, si meesha looga saaro musharaxii u taagnaa oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada xoogga dalka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarashe).

2: Kursiga HOP021: Waxaa hore ugu fadhiday Maryan Xaaji Cabdi Geedi, haddana waxaa loo wareejiyey inay ku tartamaan musharixiin Rag ah.

Qoondada haweenka ayaa ka mida qorsheyaasha musharixiinta aan la rabin tartanka looga saaro, marka kuraastooda loo bedelayo qoonde u xiran haweenka, waana qorshe soo bilowday Doorashadii 2016.

No photo description available.
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON