Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in magaalada ay gashay xaalad cusub oo aan weli lagu arag, iyadoo ciidamo kala duwan ay magaalada tageen.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar waxaa uga horeeyay ciidamo fara badan oo wata in ka badan 10 gaadiidka dagaalka iyo kuwa NISA oo ammaankiisa sugaya inta uu joogo magaalada Jowhar.
Dhinaca kale waxaa magaalada soo gaaray madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo dhamaantood markii ugu horeysay wata ciidamo ilaalo ua ah. Madaxweynaha Puntland oo hore loo bartay inuu hore u wato ciidamo horin ah oo ilaaliya ayaa waxaa uga dayday madaxda kale oo maanta Jowhar mid kasta la tegay ciidamo ilaalo u ah.
Goobta caleemosaarka waxaa ammaankeeda sugaya ciidamada AMISOM iyadoo aan wax hub ah loo ogoleyn gudaha goobtaasi, laakiin bannaanka waxaa isku arkay ilaalada afarta madaxweyne goboleed ee maanta tegay magaalada Jowhar iyo kuwa dowladda Federaalka oo ay hoos tagaan ciidamada ku sugan Gobolka Shabeellada Dhexe.
Waa markii ugu horeysay ee ciidamo noocan oo kale ah goob kaliya ku kulmaan iyadoo magaalada Jowhar ay noqotay magaaladii ugu horeysay ee marti galeysa xaaladan muujineysa xiriirka madaxda Soomaalida iyo is-aaminka u dhaxeeya.
Goobjooge