Dowlad goboleedka Jubaland ayaa bedeshay mowqifkeedii hore ee ay shuruudaha ku xiray in dib loo bilaab wadahadalkii Doorashada, kadib markii Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta lagu wareegay Maamulka Doorashada iyo Amnigeeda.
Madaxwayna ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo, lana eego danta shacabka Soomaaliyeed, laakiin Raii’sal wasaaraha looga baahan yahay inuu xal u helo arrimihii lagu muransanaa ee hortaagnaa Doorasho la aado.
“Jubaland waa ka qaybgalaysaa shirka uu Ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay 20 ka bisha May, wax kasta oo aanu qabnay miiska ayaan saari doonnaa… waxaan Ra’isal wasaaraha ku dhiirigelineynaa inuu shaqada ku daro xalka Gobolka Gedo” Ayuu yiri Maxamud Sayid Aadan oo wareysi siiyey BBC-da.
Wuxuu caddeeyay in caqabado badan oo Doorashada hortaagnaa aan xal laga gaarin, iyadoo hadda ay rajeynayaan in arrimaha harsanaa oo dhan miiska wadahadalka lagu xaliyo, la isna cafiyo, dalkuna uu galo doorasho xalaal ah.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee Fedaraalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay soo saaray baaq uu 20-ka bishan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banadir.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa dhowaan sheegay inaysan ka qeybgeleyin wax shir ah inta amniga guud lagu wareejinayo Maxamed Xuseen Rooble.
