Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland ayaa kulankoodii maanta uga hadlay xaaladda Gobolka Gedo oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya muddooyinkii la wareegeen degmooyin ay gacanta ku hayeen ciidamada maamulka Jubbaland.
Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu guddoomiyey Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland C/qaadir Sheekh Maxamed, ayaa laga soo saaray War-saxaafadeed lagu sheegay in Jubbaland ay heegan gelisay ciidamadeeda si ay uga hortagaan weerarka qaawan ee dowladda Federaalka ku soo qaaday Jubbaland, gaar ahaan Gobolka Gedo, sida uu shaaciyey wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed.
Wasiirka oo akhriyey War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Heegan la geliyey dhammaan ciidamada Jubbaland, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Federaalka inay caadeysatay la-dagaalkanka Dowlad Goboleedyada, iyadoo gacmaha ka laabatay dagaalkii argagixisada, wixii ka yimaada dagaalka ay wado dowlada Federaalka ay mas’uuliyadiisa qaadi doonto.