Monday, June 23, 2025

Jubbbaland oo shaacisay halka uu Muqdisho ka degayo Axmed Madoobe iyo Cidda sugeysa Amnigiisa

War kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam uu maanta gelinka danbe tegayo magaalada Muqdisho.

Axmed Madoobe oo ka qayb gelaya shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga furmi doona xerada Afisyoone ayaa waxaa amnigiisa sugaya ciidamada ilaalada gaarka ah oo saaka gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa degi doona xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Jubbaland ayaa sheegtay in amniga Axmed Madoobe ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah u tababaran ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Waxayna arrintan ka mid ahayd shuruud uu ku xiray tegitaankiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, in shirku ka dhaco meel ammaan ah oo lagu kalsoonaan karo, amnigeedana ay sugaan AMISOM waxay ka mid ahayd shuruudihii Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qayb galkooda shirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON