Sunday, July 13, 2025

K/Galbeed oo Dooraneysa kursi la hakiyey (Xubin ka tirsan FEIT oo keligiis fasaxay kursiga)

Qoraal lagu shaaciyey baraha bulshada ee Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in la fasaxay kursi ay hore u hakiyeen Guddiga Heer Federaal ee FEIT.

Madaxa Guddiga Doorashada FEIT u qaabilsan K/Galbeed Yuusuf Maxamed Kheyre ayaa qoraalka ku sheegay in habraacyadii loogu talogalay loo maray kursiga HOP204, isla markaana la fasaxay in doorashadiisa la qabto, isagoo u mahadceliyay Guddiga SEIT ee K/Galbeed.

Arrintan ayaa muujineysa khilafka ka dhex taagan Guddiga heer Federaal oo si weyn ugu kala qeybsan kuraasta dacwaduhu ka yimaadaan, isla markaana aan wax awood ah lahayn, balse ku kala xiran madaxda maamul Goboleedyada.

Kursigan ayaa madaxweyne lafta-gareen u xiray Wasiirkiisa Amniga K/Galbeed Isaaq Cali Subag oo isla maanta la guddoonsiiyey Shahaadda Musharaxnimo ee Kursiga HOP204.

Waxaa kursiga u sharaxnaa wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda xilgaarsiinta C/qaadir Maxamed Nuur, waxaana hadda muuqata in Guddiga K/Galbeed uu qaban doonto doorashada kursiga sidii hore ugu dhacday kuraastii laga hor istaagay, Prof. Jawaari. Shariif Xasan iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda K/Galbeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON