Kacbada Bakareysan oo laga bedelay Daaha ku wareegsan & Waxa laga sameeyo [Sawiro]

Hay’ada Qaabilsan qurxinta kacbadda Barakeysan ee Maka Almukarama ayaa bedeshay Daaha ku wareegsan Kacbada oo sanad kasta marka la gaaro 8-da Bisha Dulxaj ee bilowha Mowsimka xajka ay caado tahay in mid cusub lagu xiro.

Jimcihii shalay ayaa mar kale Daah cusub loo xiray Kacbada sharafta leh, waxaana dharkan uu ka sameysan yahay Dhar qaali ah iyo xariir naadir ah oo lagu dheehay Dahab iyo dheeman qaali ahm iyadoo lagu qoray magaca Alle iyo Shahaadada.

Ad

Dharkan lagu qurxiyo kacbadan ayaa inta lagu jiro xilliga xajka sare loo qaadaa ilaa 3 Mitir, taasoo ay ugu wacan tahay xujeyda oo si weyn ugu tartama inay dhunkadaan Kacbada qaarkoodna ay isku dhejiyaan oo laga fujin waayo, taasoo looga baqo inay waxyeelo u geystaan dharkaasi.

Sameynta Daaha kacbada waxaa ka qeyb qaatay 200 qof oo isugu jira injineero iyo xubno xirfadan ku takhasusay, waxaana daaha ku dheehan 670 Kgr oo xariir ah, 120 Kg oo Dahab ah iyo 670 Kg oo qalib ah, kuwaasoo qeyb ka ah fiilooyinka iyo qoraallada lagu xardhay Daaha lagu xiray Kacbada.

Howlgalkii dib u habeyn Daaha ku wareegsan Kacbada kor loogu qaadayey waxaa ka qeyb galay madaxda hay’adda adeegga kacbada iyo shaqaalaheedam waana shaqo sanad waliba la sameeyo iyadoo marka dherer dhan 3 Mitir kor loo laabo Daaha waxaa soo baxay dhinacsiisa hoose oo leh midab cad, halka qeybta hoose ay dibadda u soo baxeyso dhismaha kacbada oo mutuneel madow xigeen ah ka sameysan.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!