Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay magaalada, isla markaana iska hor imaadyo iyo qaraxyo ka dhaceen xalay.
Bam gacmeed lagu tuuray ciidamo Booliska ah bar koontarool oo ku taalla galbeedka magaalada, waxaana lasoo weriyey in dhaawac kasoo gaaray askar ka tirsan Booliska.
Rasaas fara badan ayaa xalay laga maqlay magaalada Boosaaso iyadoo ay magaaladu ay ka jirto xiisad ka dhalatay xarig loo geystay nabadoon C/qaadir Xarago oo ka tirsan nabadoonada ugu caansan Gobolka Bari.
Nabadoonka ayaa la xiray kadib markii uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in jirdil loo geystay maxaabiis lagu tuhmay Alshabaab oo dil lagu xukumay, kadib markii lagu eedeeyay in Alshabaab ka tirsanaayeen.

Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayaa laga dareemay kacdoon looga soo horjeedo madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, waxaana sii kordhaya guux ku saabsan waxqabad la’aan.
Siyasiyiin badan ayaa muujiyay in C/weli Gaas ku fashilmay hogaaminta Puntland, isla markaana loo baahan yahay inuu is casilo ama xilka isaga dego. Arrimaha lagu heysto madaxweyne Gaas waxaa ka mida doorkiisa doorashada Soomaaliya iyo waxqabad la’aan keentay mushaar la’aan heysata ciidamada.
Goobjooge.com