Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa noqday mid aan isu dheelitirneyn kadiba markii afar maamul goboleed ay doorteen xubnaha uga mid noqonaya Aqalkaasi.
65% oo ka dhigan ayaa 35 xubnood ayaa ilaa iyo hadda loo doortay Aqalka sare waxaana dhammaan kuraastaasi qaatay Beelahga waaweyn iyadoo beesha Shanaad aan xitaa hal kursi laga siinin.
Waxaa la yaab leh in maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed oo beesha Shanaad ay si weyn u degan tahay haba yaraatee laga siin waayay hal kursi maamul waliba, taasi waxay caddeyn kale u tahay in madaxweynayaasha maamuladaasi Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ay ku takri faleen xubnihii Aqalka sare ka soo gaaray maamuladooda.
Akhri: Beesha Daarood oo isku fuuqsaday xubnaha Aqalka Sare (Akhri Shaxda)
Axmed Madoobe wuxuu beehiisa Daarood siiyay shan xubnood oo Aqalka Sare u galay, isagoo saddexda xubnood ee kale u qeybiyay: Dir-Biyomaal, Cowrmale, iyo Digil/Mirifle-Dabarre.
Shariif Xasan ayaa isna xuldhibaanadii Aqalka sare 7 ka mida siiyay beeshiisa Digil & Mirifle, waxaana hal xubin oo qura siiyay Dir-Biyomaal.
Arrintan waxay keentay in la is weydiiyo qaabka hogaamiyeyaasha maamulada dalka u qeybiyeen Aqalkiisa sare oo ilaa hadda aan lahayn sharci uu ku dhisan yahay, kadib markii dhinac la iska dhigay Dastuurka KMG ah oo ay ku caddahay in Aqalka sare lagu saleynayo Goboladii 18-ka ahaa ee dalka.
Ma jirto cid u doodeysa Beeshan lagu dulmiyay awood qeybsiga oo xubnaheedii ay isku fuuqsadeen hogaamiye maamul goboleedyo u sed buriyay beelahooda, xitaa Beesha Caalamka waxay xoog saartay qoondada haweenka iyadoo aan hoos u eegin beesha lagu tuntay xaqeedii.
DHAGEYSO: Maxamed Cabdi Yuusuf : Jen. Gabre ayaa iga reebay Musharixiinta Aqalka Sare
Sidoo kale siyaasiyiinta Beesha Shanaad iyo Odayaasha ayaa jiif dheer galay iyagoo aan marna laga maqlin dood iyo dacwad ku saabsan inay xaqooda u doodaan, waxayna ku fashilmeen inay dhaqdhaqaaq sameeyaan oo qaadacaan doorashada 2016 sida Dirta Waqooyi si ay culeys u saaraan Madasha iyo Beesha Caalamka.
Beesha Shanaad ayaa hadda wax xubno ah ku lahayn Aqalka sare, waxaase rajo laga qabaa in xubin laga siiyo maamulka harsan ee Hirshabeelle, taasoo xitaa haddii ay dhacdo noqon doonta in 54 xubnood ay ku yeelato 1 xubin.
Haddii Aqalka sare lagu qeybin lahaa nidaamka 4.5 waxay beesha shanaad ka heli lahayd 6 xubnood, laakiin waxaa cad in cadaaladda hoggaamiye goboleedyada ay ka liidato tii 4.5.
Goobjooge.com