Ciidamadda sida gaarka ah u tababarran ee Nabadsugidda Soomaaliyeed ee loo yaqaan Gaashaan ayaa la sheegay inay qarka u saaran yihiin inay kala tagaan.
Ciidanmadan oo Mareykanku tababarray, kana amar qaata waxaa soo wajahay xaalad adag kadib markii dhowaan xaruntooda Xalane laga xaday Qalab Ciidan oo muhiim ah iyo agab kale, taasoo keentay in hay’adda Mareykanka ee gacanta ku heysa ay ruqseyso qaar ka mida ciidamadaasi, qaar kalena la xiro markii oo tuhun soo galay.
Wararka ayaa sheegaya in askarta laga shakiyay lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya si baaritaan loogu sameeyo, waxaana dhacday in ciidamadaasi uu shaqaaleeyay Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), arrintan oo ka careysiisay Mareykanka.
Shirkadda gacanta ku heysta ciidamada Gaashaan ee Mareykanka ayaa qarka u saaran inay gebi ahaan joojiso shaqadii ciidankaasi oo dhowr boqol ah, iyadoo waxba laga qaban waayay cabasho ay gaarsiisay madaxda dowladda Soomaaliya.
Xaaladda ayaa qasan, iyadoo ciidamadii ugu tababarka wanaagsanaa ee NISA ay xaaladoodu meel adag mareyso, waxayna Mareykanku joojiyeen wada-shaqeyntii ay la lahayeen madaxda NISA.