Dowladii hore ee uu madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan bixin mushaarkii xildhibaannada Baarlamaankii 9aad oo gaareysa 5 bilood iyo weliba shaqaalaha dowladda.
Sida lagu caddeeyay dib u eegis ay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ku sameeyeen Miisaaniyadda sanadka 2018 ee hadda hortaalla Baarlamaanka ayaa waxaa lagu sheegay in in lagu soo daro mushaarka ka maqan xildhibaannadii hore iyo Shaqaalaha dowladda, iyadoo la dalbaday in lagu soo daro miisaaniyadda cusub.
Qodobka Guddiga Maaliyadda ayaa u qornaa sidatan:
Sida ku cad qaraarkii Golaha Shacabka ee xeerkii ku noqoshada miisaaniyada 2017, Wasaarada Maaliyada kuma soo darin miisaaniyada cusub ee 2018 5tii bilood ee mushaaraadkii Xildhibaanadii Barlamaankii 9aad. Gudigu waxaa mar kale uu adkeynayaa in gunadii Xildhibaanadii Barlamaankii 9aad iyo xuquuqda shaqaalaha lagu soo daro miisaaniyada cusub ee 2018.
Wasiirkii Maaliyadda xukuumadda Cumar C/rashiid iyo dowladii Xasan Sheekh ninka lagu magacaabo Maxamed Adan Ibraahim (Fargeeti) ayaa ku dooday dhowaan in markii ay xilka ka degeen ay Qasnada dowladda ku jirtay lacag dhan 5 Milyan oo Doolar, waxaana la is weydiinayaa sababta ay dowladii hore u bixin weysay xuquuqdii xildhibaannada iyo shaqaalaha dowlad muddo u dhaxeysa 5 ilaa 8 bilood.
Ra’iisal wasaare Kheyre: “Waan ku jihaadeynaa qofkii musuqmaasuq ku kaca..” [SAWIRRO XIL WAREEJIN]