KASHIFAAD: Guddoomiye Yariisow oo ku socda Jidkii Taabit Cabdi [Kaaliyeyaasha Madaxweynaha oo Olole ku bilaabay]

GOOBJOOGE.NET EXCLUSIVE

0

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa cagta saaray jidkii geyn lahaa halkii ay ku dhammaatay guddoomiyenimadii xilka uga horeeyay, isagoo qarka u saaran in xilka laga qaado.

Guddoomiye Yariisow oo muddo saddex bilood oo kaliya xilka Guddoonka Gobolka Banaadir haya ayaa waxaa soo wajahay culeys hoggaamineed iyo olole ay ku bilaabeen kaaliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo laga yaabo inuu keeno xil ka qaadistiisa.

Arrintan ayaa ka dhalatay kala qeybsanaan ka jirta maamulka sare ee G/banaadir oo laba u kala qeybsan iyo Guddoomiye Yariisow oo lagu tilmaamay inuusan awood u lahayn maareynta xilkan oo ka mida kuwa ugu adag kadib Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Ololaha ka dhanka ah Guddoomiye Yariisow ayaa si weyn u qarxay kadib arrintii ku saabsaneyd dhalinyaradii xulka K/cagta ee 17-sano jirrada ee Mooto bajaajta raacay, waxaana hoggaaminaya kaaliyaha sare ee Madaxweyne Farmaajo Cali Yare iyo xubno ka mida saaxiibada madaxweynaha oo baraha bulshada ku weerarray Guddoomiyaha dushana u saaray eedeyn aanu shaqo ku lahayn.

Caqadaha ugu waaweyn ee heysta guddoomiye Yariisow waxaa ka mida:

1- Halis weyn oo uga imaaneysa Guddoomiye ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah oo ka mid ahaa gacan-yareyaasha Madaxweyne Farmaajo oo khilaaf weyni ka dhaxeeyo. Ololaha ku socda Yariisow oo halkan kasoo bilowday waxaa ku biiray qolooyin dano beeleed ka leh iyo shaqsiyaad Yariisow kula dirirsan baad ay ka qaadan jireen maamulka G/Banaadir oo muddo dheer soo taxneyd.

2- Hab-dhaqankiisa maamuleed oo durba soo shaac bixiyey inuusan sii wadi karin maamulka G/Banadir, taasoo ay ugu wacan tahay inuu mideyn waayey maamulkiisa una muuqan waayay hoggaamiye isku wadi kara kooxda lala magacaabay ee aanu isagu keensan.

3 Iyo ugu danbey fal-calintii uu bixiyay markii ololaha lagu bilaabay oo mar kale caddeyn u ah inuu dulqaadkiisu yar yahay, kadib markii uu cambaareyn u jeediyay wasiiro iyo xildhibaanno uu sheegay inuu ka shaqeyn waayey.

Marka la isku soo xooriyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay iyo qaabkii uu guddoomiye Yariisow u waday maamulka G/Banaadir waxay muujineysaa inuu cagta saaray wadaddii xil ka qaadista oo dad badani saadaalinayaan inuu u haray waqti kooban.