Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa isku shaandheyn iyo kala bedel ku sameeyay waaxda ugu muhiimsan ee Dakhliyada maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yariisow oo xilka jooga saddex toddobaad oo qura ayaa ku dhaqaaqay isbedelkii ugu weynaa ee qeybta dhaqaalaha dowladda hoose iyadoo qaab aan hore loo arag loo qeybiyay hab-dhismeedka Dakhliyada dowladda hoose ee Muqdisho.
Isbedelka Guddoomiya Yariisow ayaa saameynta ugu weyn ku yeeshay beesha uu kasoo jeedo, isagoo agaasimaha Dakhliyada ku soo celiyay mas’uul hore xilka looga qaaday oo ay isku jufo yihiin iyo haweeney shaqaale cusub ahayd iyaduna ay isku beel yihiin oo uu u dalacsiiyay agaasime waaxeed.
Shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho ayaa shalay ku indho qaaday wareegtada isku shaandheynta Guddoomiye Yariisow oo khaladaadka ku jira uu ugu weyn yahay in beesha Murusade la isugu daray xilalkii ugu waaweynaa dhaqaalaha Gobolka banaadir.
Beesha Murusade ayuu Guddoomiye Yariisow isugu guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyadda gobalka Banaadir oo ay hore u heysatay, iyo Xamdi Cali Nuur oo uu adeer u yahay Ra’iisul wasaare Kheyre taasoo loo magacaabay agaasimaha guud ee Khasnadaha Dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna daray agaasimaha canshuuraha.
Xilkii Agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda ee Dowladda Hoose ayaa gebi ahaan lagu baabi’iyay wareegtada guddoomiye Yariisow, iyadoo xilkaasi uu dhowan ka geeriyooday mas’uul kasoo jeeda beesha Galmaax, gaar ahaan Mattaan Cabdulle, waxaana muuqata inuu xilkaasi guddoomiye Yariisow ugu daray beesha Murusade.
Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee canshuuraha gobalka Banaadir loo magacaabay gabar lagu magacaabo Ayaan Cabdi Maxamed oo kasoo jeeda beesha Murusade, iyado xilkaasi laga wareejiyey mas’uul kasoo jeeday beesha Saruur ee Habar Gidir.
Beesha Murusade ayaa hadda la qiyaasayaa inay hanteen hannaankii hanaanka dhaqaalaha ee maamulka gobalka Banaadir, iyadoo qeybaha soo haray ay yihiin kuwo kooban.
Lama oga sababta keentay in guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir uu tallaabadan ku dhaqaaqo, waxayse wararku sheegayaan inuu howshan ka dambeeyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda G/Banaadir oo hadda noqday ninka awood ahaan kala wada maamulka, halka Yariisow cadaadis uga imaanaya madaxda sare u hoggaansamay.
Warar Xul ah