Mushaar la’aantii ugu ba’neyd ayaa heysata shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kadib markii muddo lix bilood ah ay hadda ka maqan yahay mushaarka.
Shaqaalaha dowladda ayaan wax mushaaar ah qaadan afartii bilood ee la soo dhaafay bilihii July – October 2016, waxaa kaloo ka maqan laba bilood oo sanadkii hore ka mida oo la sheegay inaan la bixin.
Akhri: KASHIFAAD: Imisa Bilood ayuu Mushaarku ka maqan yahay shaqaalaha Dowladda Soomaaliya..?
Dowladda Soomaaliya waxaa bixinta mushaarka shaqaalaha ka kaaba dowladdo ay ka mid tahay Turkiga iyo Baanka adduunka, laakiin waxaa bilihii ugu danbeeyay dhacday farsamo lagu waayay lacagihii shaqaalaha.
Mas’uulka arrintan loo aaneynayo ayaa ah xisaabiyaha guud ee dowladda Axmed Yuusuf Muumnin (Siraaji) oo ah ninka qaadaya mas’uuliyadda oo dhan arrimaha soo socda dartood.
- Waxaa xilka loo magacaabay 11 July 2015, isagoo muddo xilkaas ku shaqeynayay kadin.
- Xisaabiyaha guud waa ninka xisaab celiya kharashka dowladda, isla markaana diyaariya bixinta kharashaadka dowladda.
- Xisaabiye Siraaji wuxuu madaxtooyada kula heshiiyay inuu wixii kharash ah u maamulo sidii loogu weecin lahaa madaxweynaha.
- Xisaabiyaha guud ayaa lacagihii bilihii ugu danbeeyay ee ka soo xarooday dekadda Muqdisho u weeciyay ololaha doorashada 2016 ee madaxweynaha.
- Xisaabiyaha guud ayaa khidmado ka hela shaqadan uu heshiiska kula yahay madaxtooyada.
Arrimahan oo dhan waxay keeneen in hantidii dowladda iyo kharashaadkii loogu talogalay laamaha dowladda ay meel qura ku arooraan, lana waayo kharashkii kale oo mushaarku ka mid yahay.
Xisaabiyaha guud ee dowladda ayaa hore u difaacay qaabka loo bixiyay Miisaaniyada dowladda ee sanadihii 2014 iyo 2015, markii uu khaladaad badan iyo lacago maqan soo saaray hanti dhowrka guud.
HOOS KA AKHRI QORAALADII AY ISWEYDAARSADEEN LABADA MAS’UUL & QAABKA UU U SHAQEEYO XISAABIYAHA GUUD
http://goobjooge.com/xisaabiyaha-guud-oo-u-jawaabay-hanti-dhowrka-guud-ee-qaranka-akhriso-dokument-dagaalka-miisaaniyadda-2014/
WAXAA DHACDA IN MUSHAAR AMA KHARASH KALE LOO DIIWAAN GELIYO IN LA BIXIYAY BALSE AY DHACDO INAAN LA BIXIN…. AKHRI QORAALKA HANTI DHOWRKA EE MIISAANIYADII HORE
http://goobjooge.com/xog-hanti-dhowrka-guud-oo-shaaciyay-inaysan-dowladda-federaalka-ku-dhaqmin-miisaaniyad-sanadeedkii-2014-akhriso-dokument/