Tuesday, June 24, 2025

KASHIFAAD: Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Sheekh Shariif, Farmaajo & Kheyre

U GAARA GOOBJOOGE

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed ayaa la sheegay inuu ka baxay isbaheysi siyaasadeed oo dowladda Imaaraadka u dhistay si loo rido dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in Sheekh Shariif uu saluugay qaabka Imaaraadka Carabta u wado ololaha looga horjeedo madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa kadib markii la isku qabtay cidda noqon doonta madaxweynaha Soomaaliya kadib Farmaajo.

Kulamo qarsoodi ah oo dhex maray Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la isku afgartay in dowlada Federaalka ay maareyso Sheekha, isla markaana uu la shaqeeyo, iyadoo uu ka howlgeli doono magaalada Muqdisho.

Kulan kale oo dhex maray Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna la isku afgartay wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo siyaasi muhiim ah uu ka soo go’ay isbaheysiga Imaaraadka ee siyaasiyiinta Soomaalida, kaasoo ay hadda ku soo hareen xubno yar.

Sheekh Shariif oo Farmaajo kula tartamay kursiga madaxweynaha ayaa dowladda Soomaaliya ku bixineysaa kharash degaan iyo mid amni, taasoo bedelkeed uu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON