Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku guuleystay inuu xaaskiisa ka dhigo xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorasho maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayaa kursiga ka mida kuraasta Beesha Gaaljecel waxaa ku tartamay xaaska madaxweynaha Hirshabeelle Maryan Axmed Haaruun iyo Zamzam Ibraahim Xuseen, waxaana 38 cod ku guuleystay Maryan Axmed Haaruun.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Ugaaska Beesha Gaaljecel uu calaameyn waayay jufada loo qoondeeyay kursigooda inay haween ku tartamaan, taasoo keentay in Cali C/llaahi Cosoble faragelin ku sameeyo oo Guddiga Doorashooyinka ku amro inay kursigan ay haween ku tartamaan.
Ergada kursigan ayaa hore ugu sugneyd, waxaan halkaasi geeyay xildhibaan hore oo xilkan u tartamayay kaasoo isaga tegay Jowhar markii lagala wareegay si kursiga ay ugu soo baxdo xaaska madaxweynaha Hirshabeelle.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa hore ugu fashilmay inuu afadiisa ka dhigo senator ka tirsan Aqalka sare, waxayna arrintan caddeyn u tahay heerka faragelinta ay madaxdu ku hayaan arrimaha doorashooyinka.
Goobjooge.com