Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Madaxweyne Farmaajo oo diiday inuu xiriirka u jaro dalka Qatar [Akhri xogta]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan qaadaneynin go’aan ka dhan ah dalka Qatar.

Farmaajo ayaa qaatay go’aan ay dowladda Soomaaliya dhexdhexaad uga noqoneyso khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka ee Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ay xiriirkii ugu jareen dalka Qatar.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu go’aan ku qaatay inuusan xiriirka diblomaasi u jarin dalka Qatar, taasoo ay ka dalbatay dowladda Sacuudiga oo cadaadis ku saartay arrintan.

Kulan ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad ayuu madaxweynuhu amray wasaaradda arrimaha dibadda inay go’aan dhexdhexaad ah qaadato, kaasoo soo baxay shalay xilli ay wasiiro ka tisan xukuumadda Soomaaliya ku sii jeedeen Sacuudiga.

 

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON