Wednesday, June 25, 2025

KASHIFAAD: Maxaa dhex maray Madaxweyne Farmaajo & Cali C/llaahi Cosoble..? [Xasaasi]

"Cali C/llaahi Cosoble oo dalbaday magdhow Lacageed"

Madaxweynaha xilka laga qaaday ee maamullka Hirshabeelle ayaa Muqdisho ku yimid kadib markii uu u yeeray Madaxweynaha Soomaaliya sida uu sheegay.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa Muqdisho yimid maalin kadib markii uu magaalada Jowhar kula kulmay wasiiro ka socday xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna kulan gaara la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulankan ayaa ka dambeeyay waanwaan uu arrinta ku dhex galay Farmaajo oo doonayay inuu Cali Cosoble ku qanciyo tanaasul, laakiin xogta aanu heleyno ayaa sheegeysa in dadaalkii qancinta ee madaxweyne Farmaajo uu fashilmay.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa la sheegay inuu dalbaday lacag fara badan si uu u tanaasulo, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu dalbaday in la siiyo lacag gaareysa 1 Milyan oo doolar, taasoo madaxweyne Farmaajo aanu wax jawaab ah ka bixin, balse u sheegay inay dib uga wadahadli doonaan marka uu kasoo laabto safarkiisa dalka Masar Arbacadda.

Waxaa Cali Cosoble kedis ku noqday in maalintii danbe ay dowladda Soomaaliya ay soo gaartay go’aan ay ku taageertay mooshinkii xilka looga qaaday, isagoo saxaafadda u sheegay inuu madaxweyne Farmaajo u yeeray ayna yeesheen wadahadal [DHAGEYSO].

Iyadoo ay burbureen dadaal kasta oo lagu qancin lahaa madaxweynihii Hirshabeelle ee xilka laga qaaday ayaa rajada kaliya ee hadda u hartay ay tahay beesha caalamka oo ka gaabsaday inay wax lug ah ku yeelato arrintan, waxaana muuqata in doorashada madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle lagu mashquuli doono.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON