Waxaa soo baxay warar ku saabsan in dowladda Qatar ay qoraneyso ciidamo Soomaali ah oo ka mid noqda askarteeda si ay u kordhiso ciidamadeeda.
Warkan oo ay soo xigteen saxaafadda Masar ee ku kacsan dalka Qatar ayaa asalkiisa waxaa qoray web-ka Garowe Online oo uu leeyahay wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland ee Maxamed C/raxmaan Faroole.
Qoraalka oo aanay ku jirin caddeyn arrintan xaqiijineysa ayaa inteeda badan salka ku heysa dhalinyaro badan oo baasabooro ka dalbanaya magaalada Garowe, kuwaasoo loo maleynayo inay u socdaan dalka Qatar, loona sheegay inay ku biirayaan ciidamada Qatar, ayna bishii heli doonaan $6000.
Arrintan ayaa lagu eedeeyay agaasimaha madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo warbixinta oo dhan ay ku dhisan tahay dhalinyaro ka kala timid degaanada Soomaalida oo Baasabooro Soomaali ah u soo doontay magaalada Garowe.!
Xildhibaan C/raxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa si weyn u taageeray isbaheysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana arrintan ay u muuqataa mid ka mida ololaha siyaasadeed ee ka dhanka ah dowladda Fedreaalka oo lagu doonayo in taageero looga helo Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Saxaafadda Masar oo olole weyn kula jirta kuwa dalka Qatar ayaa arrintan u arkay mid war muhiim ah oo ku daabacay wargeysyadooda iyagoo soo xiganaya webka sare uu xusan. Saxaafada Khaliijka iyo Masar ayaa billooyinkii dambe u jira olole aan waxba la isula harin oo dalalkaasi ay warbaahinta isku weerarraan.
Goobjooge