Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta ayaa dadka Soomaaliya xilli waliba oo howlgal ay sameeyeen ciidamada Mareykanka baahiya inuu amray madaxweynaha Soomaaliya.
Baraha bulshada ayaa wararkaasi si weyn loogu adeegsadaa iyadoo lagu muujinayo dowladnimada ay gaartay Soomaaliya markii uu madaxweynaha cusub ee Maxamed C/llaahi Farmaajo xilka la wareegay.
Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yarsiiow iyo xafiiska Madaxtooyada ayaa mararka qaarkood adeegsaday ereya “ogolaaday”, waxayse inta badan jecel yihiin inay baahiyaan Amar uu madaxweyne Farmaajo ku bixiyay weerar lagu dilay hoggaamiye Alshabaab ah.
Wararkan soo noqnoqday ayay caddaatay inay yihiin been abuur (Fake News) kadib markii Mareykanka uu shaaciyay xaqiiqada weerarrada Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya iyo doorka madaxweynaha Soomaaliya ku leeyahay.
Qoraalkii ugu dambeeyay ee soo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday fulinta howlgallada Mareykanka Bishii Maarso 2017, markaasoo ahayd xilliga kaliya ee qorshahan laga saxiixay. Taasoo caddeyn u ah in ogolaashaha Farmaajo uu dhacay mar kaliya ee aanay jirin wararka dowladu faafiso markii howlgal dhacaba in amarkiisa uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga dalbatay Maryekanka in la ogeysiiyo marka la fuliyo weerarrada ka dhank ah Alshabaab iyo warbixintooda, taasoo loo ogolaaday xiligii dowladii Xasan Sheekh, waxaana lagu wargeliyaa howlgallada la fuliyo madaxweynaha iyo taliyaha NISA, balse ogolaashaba ayaa mar qura dhacay oo ahayd March 2017.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA AFRICOM
War-saxaafadeedka xalay kasoo baxay taliska AFRICOM ee wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa warka ay baahiyeen Madaxtooyada Soomaaliya iyo Wasiirka Warfaafinta ee ah in Madaxweyne Farmaajo amray howgalkii ugu danbeeyay ee shalay ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo la sheegay in lagu dilay xubin sare oo katirsan Alshabaab.
DEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo ogolaaday Howlgal lagu dilay Sarkaal Alshabaab ah
AKHRISO: Dowladda Mareykanka & Somaliya oo War ka soo saaray Weerarkii Duqeynta Alshabaab
GOOBJOOGE