Monday, June 23, 2025

KASHIFAAD: Maxaa keenay in C/raxmaan C/shakuur ka haro Isbaheysiga Mucaaradka ee Xasan Sheekh..?

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame iyo  xisbigiisa Wadajir ayaa waqtigii ugu danbeeyay ka haray oo laga waayey liiska dhinacyada ku midoobay Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin heshiis la galay Xasan Sheekh intii uu ku sugnaa dalka Turkiga oo ay isla garteen inay dhiseen isbaheysi weyn oo iska kaashada sidii xilka loogala wareegi lahaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin waxaa xilligii ugu danbeeyay soo baxay arrin keentay inuu isbaheysiga cusub isaga haro C/raxmaan C/shakuur.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in arrintan ay salka ku heyso awood qeybsiga Xisbiga UPD ee Xasan Sheekh hoggaminayo, kaasoo xilalkiisa sare lagu qeybinayo 4.5 iyo shanta beelood, taasina waxay in hoggaanka xisbiga cusub uu waayey meel uu kasoo galo C/raxmaan C/shakuur oo arrintii ku dhammaatay inuu dibadda ka joogo.

Xisbiga Daljir oo kaliya ayaa si toos ugu biiray dhinacyada ku midoobay isbaheysiga cusub, iyadoo qeybta ka soo hartay ay tahay kooxdii qabyo iyo xisbigii hore ee Xasan Sheekh, iyadoo xisbiga Wadajir oo hadda noqday mid gooni u taagan intii uu ka mid noqon lahaa taageerayaasha Xasan Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON