Thursday, June 26, 2025

KASHIFAAD: Maxaa keenay inuu Hantidhowrka Guud soo farageliyo kiiska musuqa ee Wasaaradda Warfaafinta..?

Hanti dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya ayaa si lama filaan ah  u soo saaray qoraal ku saabsan kiiska musuqmaasuqa ah ee ka taagan Wasaaradda warfaafinta.

Hanrti dhowrka Nuur Faarax Jimcaale, ayaa kiiska soo farageliyay kiiska kadib markii uu gaaray Maxkamadda oo amartay in la soo qabto Agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi iyo agaasimaha maamulka iyo maaliyadda.

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Hantidhowrka uu ka carooday tallaabadii uu qaaday wasiirka warfaafinta C/raxmaan Cumar Yariisow, kadib markii uu dacwadda kiiska uu ku soo oogay labada agaasime u gacan geliyay xeer ilaaliyaha guud Axmed Cali Daahir.

Hanti dhowraha guud ayaa ku dooday inay isaga shaqadiisa tahay baaritaanka iyo caddeynta musuqmaasuqa, waxaana la sheegay inuu ku hanjabay in dacwadda ka dhanka ah labada agaasime ee wasaaradda warfaafinta socon karin la’aantiis ama uu fashilin doono.

Lama oga ujeedka hanti dhowrka, laakiin waxaa laga yaabaa inay kiciyeen arrimo ku saabsan loolan awoodeed oo kala dhaxeeya xeer ilaaliyaha iyo agaasimaha la heysto oo ay is xigaan.

Hanti dhowrka Nuur Faarax ayaa wasaarado badan ku sameeyay baaritaan oo marar badan uu sheegay inuu ku helay musuq iyo lacago ay lunsadeen, iyadoo aanay jirin wax tallaabo ah oo la qaaday.

Goobjooge.com

AKHRISO DOKUMENT: Hanti Dhowrka Guud oo difaacay Agaasimaha musuqa lagu heysto ee Wasaaradda Warfaafinta

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON