Maalintii shanaad ee Qarixii Muqdisho oo geystay qasaarihii ugu badnaa abid ee ka dhaca Soomaaliya ee dalalka ka hooseeya saxaraha ayaanay jirin cid sheegatay, inkastoo farta agu fiiqay kooxda Alshabaab.
Waxaa la isku raacsan yahay in Alshabaab ay ka dambeeyaan qaraxan ayna soo ku soo abaabuleen gobolka Shabeelada Hoose oo ah goobta lagu diyaariyo qaraxyada iyo is-miidaamiyeyaasha, waana kooxda kaliya oo khibrada iyo dad fuliya u heysata qaraxyadan oo kale.
Sababta ay u sheegtay weyday ayaa ah in qaraxyada dadka badan ee shacabka ah ay j dhintaan aysan hore ka sheegan ee ay dib u dhigtaan, Waxaana taasi marqaati u ahin Alshabaab ay qaraxyo hore oo dad shacab u badan galaaftay ay ka aamuseen, waxaana sida Qaraxii Hotel Shaamow sanadkii 2009 oo lagu laayay arday qalin jebineysay.
Khabiiro Soomaali iyo ajnabi ah ayaa isku raacsan in Alshabaab ay tahay tan soo maleegtay qaraxan, iyadoo aanay wax kasoo qaad lahayn wararka ku eedeynaya qaraxa dalal iyo dhinacyo kale.
Kadib markii la aqoonsaday qofkii is-miidaamiyay, gaarigii lagu geystay qaraxa, lana qabtay gaari kale oo isla maalintaas qarxay kuna qornaa inuu qarax labaad geysto waxaa si cad u soo baxay in Alshabaab ay ahaayeen kuwii abaabulay ee ka danbeeyay qaraxan.
Goobjooge