Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dib uga laabtay mucaaradnimo bilow ah oo uu kala hor yimid qorshaha madaxda dowladda Federaalka, taasoo dhalisay in kooxaha mucaaradka ay si weyn u soo dhoweeyaan, isla markaana rajo badan ka muujiyaan inuu la safto guddoomiye Mursal.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka gaabsaday inuu ka hadlo kala dirista Guddigii Maaliyadda ee uu ku dhaqaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa ka hor yimid ciidamada ay dowladda Federaalka geysay magaalada Baydhaba, wuxuuna taageeray xaqa uu Musharaxa Mukhtaar Roobow u leeyahay inuu tartamo.
Xogta la helay ayaa sheegeysa inay dood adag dhex martay Madaxweyne Farmaajo Guddoomiye Mursal, taasoo ku saabsaneyd xaaladda doorashada K/Galbeed iyo kala dirista Guddiga Maaliyada, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu su’aal ka keenay waxa iska bedelay qorshihii ay isla meel dhigeen ee Doorashada K/Galkbeed..?, waxaana dood dheer kadib guddoomiyaha Baarlamaanka uu aqbalay in mar kale taageero qorshaha doorashada madaxda dowladda ee K/Gabeed.
Kala dirista Guddiga maaliyadda ayaa sidoo kale uu aqbalay Guddoomiye Mursal, isagoo sheegay inuu magacaabi doono Guddi cusub oo Maaliyadeed, laakiin warbixin uu siin doono Golaha Baarlamaanka Sabtida, taasoo lagu faahfaahinayo arinta Guddiga muranka ka dhashay.
Arrinta ugu muhiimsan ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ka helay doodii uu la galay madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd in xil loo magacaabo la-taliyihiisa saameynta badan ku leh, ahna kaaliyihiisii xillgiii uu safiirka ka ahaa Turkiga ee C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taasoo loo ogolaaday, basle aan din loogu celin doonin Hay’adda NISA.
Guddoomiye Mursal oo culeys badan kala kulmay beeshiisa, isla markaana ay si weyn u soo dhoweeyeen Kooxaha mucaaradka ah iyo xildhibaanada kasoo horjeeda madaxda dowladda ayaa mar kaliya waxaa hoos u dhacay rajadii laga qabay inuu hor istaago qorsheyaasha madaxda dowladda.