Thursday, June 26, 2025

KASHIFAAD: Muxuu C/kariin Guuleed uga baxay Isbaheysigii Doorashada ee Musharax Shariif Xasan..?

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed ayaa ka baxay isbaheysi Doorasho shaki badan hareeyay oo uu kula jiray dhigiisa maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xogta laga helayo isbahgeysiga burburtay ayaa sheegeysa in rrintan ayaa ka danbeysay culeysyo fara badan oo la saaray C/kariin Guuleed iyo isagoo u baqay saameynta ka timaada ololaha doorashada inay galaafado mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Madaxweynaha Galmudug oo tan iyo intii uu Imaaraadka Carabta u tegay arrimaha doorashada ka digo rogtay saaxiibadii iyo kooxdiisa uu madaxda u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Aadan ayaa hadda is daba qabtay isagoo xaqiiqsaday inay isbaheysiga Shariif Xasan uu yahay qar iska tuur iyo tijaabo halis ah oo aan wax guul ah ka keeni karin doorashada adag ee Soomaaliya xilligan ku jirto.

Inkastoo C/kariin Guuleed shaqsiyadiisa siyaasadeed iyo xilka uu hayo uu ka weyn tahay taageerada uu ku leeyahay labada Gole ayaa haddan waxay tani guul u tahay Madaxweynaah doonaya inuu dib u soo laabto ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa oo loolan adag ku jirta.

Shariif Xasan ayaa keligiis geli doona loolanka siyaasadeed ee madaxtooyada iyo Baarlamaanka Federaalka sidii dhacday doorashadii 2012, waxaana sii yaraanaya  rajadiisa labada xil ugu sareeya sharci dejinta iyo hogaanka dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON