Madaxtooyada Soomaaliya ayaa difaac ka dhigatay war laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya oo ku saabsan kiiska Sarkaalkii ONLF ee loo gacan geliyay Itoobiya.
Sarkaalkan oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya laguna magacaabo Meles Alem ayaa wakaalada Wararka ee Mareykanka ee AP ay ka soo xigatay in C/kariim Qalbo dhagax inuu is dhiibay, isagoo intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay fududeysay arrintan.
Labadaas erey ee AP kasoo xigatay sarkaalkan ayaa neef weyn kasoo fujiyay dowladda Federaalka iyo madaxtooyada oo caawa oo dhan faafineysa qoraal ku soo baxay website-ka Washington Post oo hadalkan lagu soo qaatay, iyadoo lagu faahfaahiyay kiiska ku xeeran sarkaalkan.
Xogta la helayo ayaa sheegeysa in madaxda dowladda Soomaaliya maalmihii ugu danbeeyay dowladda Itoobiya ka baryayeen inay warkan is dhiibidda Qalbidhagax soo saarto si culeyska ka heysta shacabka Soomaalida uga dego, kaasoo u muuqda mid soo daahay.
Madaxtooyada Soomaaliya iyo website-yada taageera ayaa ku jaha wareeraay difaaca kiiskan iyo in loo bedelo sarkaal isu dhiibay Itoobiya, waxaana la yaab leh sababta keentay in Dowladda Soomaaliya oo arrintan ka dambeysay ay awoodi weyso inay go’aan cad umadda Soomaaliyeed u sheegto halkii ay sugi lahayd Adis ababa.
Waxaa ka sii yaab badan in Madaxtooyada Soomaaliya ay saxaafadda u dusiso Warqad dal-kugal ah oo sirdoonka Iboobiya u soo saareen C/kariin Qalbidhagax si taasi daliil looga dhigo inuu raali ka ahaa dhiibistiisa.
Dad badan ayaa is weydiinaya haddiiba C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) isu dhiibay Itoobiya sababta uu Kilinka Shanaad isaga xaadirin waayay ee keentay in maamul Goboleed laga soo afduubto, loona diido dadkiisii iyo qoyskiisii markii uu ku xirnaa Muqdisho.
Maxaa sarkaalka intii uu Muqdisho ku xirnaa loogu bandhigi waayay saxaafadda si uu afkiisa uga sheego inuu Itoobiya ku noqonayo ama uu isu dhiibay dowladii qoyskiisa oo dhan leysay?!!. haddiise berri la arko isagoo Jigjiga ka leh “waan is dhiibay” maxaa is-bedelaya.?
Waxaa kaloo isweydiin leh sababta keentay in sarkaalkan laga qariyo ehelkiisa ee diyaarad min Muqdisho, Baydhaba ilaa Itoobiya loo saaro iyadoo madax sare oo Soomaali ah ay ku wehliyaan, xoriyadiisiina laga qaaday.
Haddey arrintu sidaas u sahlan tahay oo Qalbi dhagax Itoobiya isu dhiibay maxay xasaasi u noqotay oo dowladda Soomaaliya uga hadli weyday xilli kacdoon aan hore loo arag socdo oo ay marti uga tahay Itoobiya.??? Muxuuse markii la dhiibay kadib maalmo badan u qaatay inaan lasoo alifin qoshaha is-dhiibidda ee soo dib dhacay oo cidka ka gedmi doonin.
Goobjooge