N/B: Warkan waxaa la qoray 5 Novembar 2017, Shurudaha Itoobiya ku xiray inay qabato hoggaanka AMISOM iyo Qorshahii ay wadatay waxaa la qoray June 2016 [Ka akhriso warka kadib]
Itoobiya ayaa la filayaa inay markii ugu horeysay qabato hoggaanka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo uu u hirgelayo qorshe ay in muddo ah wadatay.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan ka howlgalaya labada gobol ee Shabeelooyinka iyo Gobolka Banaadir oo la keenayo ciidamo ka badan 1000 askari, waxaana banneynaya ciidamada dalalka Uganda sida uu dhigayo is afgarad dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Arrintan oo ka danbeysay socdaalkii uu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa salka ku haya dagaal lagu qaadayo Alshabaab oo la doonayo in looga sifeeyo wejiga hore labada Shabeelle.
Itoobiya ayaa taliye u soo magacaabeysa AMISOM iyadoo sanadkii 2016 shuruudo ku xirtay markii la filayay in taliye ka socday ay kala wareegto taliska AMISOM, waxaana muddo 9 bilood ah AMISOM ay ahay taliye la’aan. Shuruudaha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo ka socda ay tagaan Muqdisho iyo in saraakiisha AMISOM uu shaqada ka ceyrin karo taliyaha ka socda Itoobiya.
Qorshihii Itoobiya sanad ka hor u socon waayay markii ay ka hor yimaadeen dalalka kale ee AMISOM ayaa hadda dhaqan gelaya iyadoo uu huwan yahay qorshe dagaal lagu qaadayo Alshabaab.
Is-afgarad dhex maray madaxda Itoobiya, Somalia iyo Ertirea ayaa la sheegay inay ka mid tahay ciidamo ka socda Itoobiya iyo Ertirea inay yimaadaan Muqdisho iyo gobollada ku xeeran, iyadoo qorshhaasi aanu weli soo shaac bixin, marka laga reebo warbixinno laga qoray.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA GOOBJOOGE AY ARRINTAAS KA QORTAY