Faahfaahin dheeraad ah oo laga helay kiiskii is-xambaarka ee uu ku lug lahaa wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa saameyn ku yeeshay Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Sida ay sheegeyso xogta aanu helnay Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa qeyb ku lahaa dadka magaca Ganacsatada Soomaalida lagu geeyay shirkii Ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya ee dhowaan ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Shirkan oo wasiirka Maareeye uu u adeegsaday inuu tahriibayaal ka badan 40 qof ku geeyo magaca ganacsato iyadoo mid waliba laga qaatay lacag dhan 6000 Doolar ayaa la sheegay in dad ku dhow 20 uu lahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka, waxaan kaloo jira xildhibanno kiiskan ku lug yeeshay.
Ra’iisal wasaare kuxigeenka ayaa la sheegay inay u qorsheysneyd ka qeybgalka shirka, balse uu uga baaqday arrimo ku saabsan Guddiga cusub ee abaaraha oo uu madax looga dhigay.
Arrintan oo noqotay kiiskii ugu weynaa ee xukuumad Soomaaliyeed ku lug yeelato tahriibin dad si sharci darro ah kharash looga qaato ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka Turkiga iyadoo ilaa 100 qof ay ka qeyb galeen shirkaasi oo muddo saacado ah socday, kadibna lagu kala tegay, laakiin maalmo kadib dad la soo ururiyey uu khudbad u jeediyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
WARBXIIN KALE HOOS KA AKHRISO